XOG:Shaqsiga ugu awooda badan siyaasada Soomaaliland oo xil sare looga magacabaayo dowlada Soomaaliya si…

Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay xafiiska ra’isulwasaaraha dalka Soomaaliya ayaa shegaayo in xilka laga qaadi rabo ra’isulwasaare kuxigeenka dalka soomaaliya Mahdi kasoo lagu badali doono shaqsi awood kuleh degaanada Somaliland.

Xogtaan ayaa kasoo xiganay shaqsiyaad u dhow dhow xafiiska Xasan Cali Kheyre ayaa shegaayo in xilkaas lagu badali doono mid kamid ah siyaasihiinta ugu awooda badan siyaasada somaliland xilal kaal duwan kasoo qabtay maamulka Somaliland.

Shaqsigaas ayaa ah wasiirkii hore ee howlaha guud iyo guriyeenta xukumadii madaxweyne Silaanyo soona qabtay xilal kala duwan ee wasiir Cali Mareexaan.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka damacsan magacaabista Cali Mareexaan in kala fur furo siyaasada somaliland madaama oo yahay shaqsiga ugu awooda badan siyaasada maamulkaas kana tirsan xisbiga talada maamulkaas haayo ee kulmiye.

Cali mareexaa ayaa loo qorsheynayaa in loo magacaabo ra’isulwasaare kuxigeenka xukumada soomaaliya si u dar dar geliyo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo hakad galay.

Lama oga sida wax oga badali doono xaalada siyaasadeed u dhaxeyso somaliland iyo soomaaliya inkastoo shaqsigaan oo yahay nin saameyn kuleh siyaasada iyo bulshada somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here