XOG+Sawiro: Maxaa ka jira wararka sheegaya Agaasime kuxigeenka Villa Somalia in Xilkii laga qaaday..

Madaxtooyada Somalia ayaa beenisay wararka sheegaya in xilkii laga qaaday agaasime kuxigeenka maamulka iyo maaliyada ee Villa Somalia, Drs Aamino Siciid.

Saacidihii lasoo dhaafay, waxaa qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan iyo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Drs Aamino Siciid xilkii laga qaaday balse waxaa xariir toos ah la sameynay Villa Somalia waxaana ku ogaanay in warkaasi uu yahay been abuur.

Drs Aamino ayaa maanta ku jirtay shaqo maalmeedkeedii caadiga ahaa, waxaa ay Villa Somalia sheegtay in Aamino ay tahay xubin muhiim ah iyo qof karti badan oo wax badan ku kordhisay guriga looga arimiyo Somalia.

Waxaaan ogaanay in wararkan been abuurka ah ay faafiyeen xubno si dadban ula shaqeeya madaxtooyada iyo kuwa horey looga eryay Villa Somalia. Faafinta warkaan been abuurka ah ayaa lagu bixiyay lacago si loo bahdilo agaasime kuxigeenka maamulka iyo maaliyada ee madaxtooyada.

Tan iyo markii Aamino Siciid loo magacaabay agaasimaha maamulka iyo maaliyada ee Villa Somalia,waxaa is badal laga dareemay howlaha shaqada, billicda iyo hanaanka maaliyada ee Madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here