XOG:Ninka ugu awooda badan siyaasada Soomaaliya Oo Dacwad Looga Gudbiyey Maxkamada London

Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa Socdaal ku jooga Magaalada London Ee Caasimada Dalka Ingiriiska,waxaana la sheegayaa inay Dacwad ka gudbiyeen dad sheegay in Fal dambiyeed uu ka galay.

Kooxdaan oo Dacwadaan qoray maalmo ka hor tegitaankiisa London xalay ka hor ayaa Fahad Yaasiin uusan ka jawaabin Eedaha loo soo jeediyey.

Inkastoo aysan gal dacwadeedka Maxkamada laga furay aysan uyeerin,hadana waxaa la leeyahay waa arin saameyn ku yeelan doonta Safarkiisa UK.

Lama soo bandhigin Fal dambiyeedka lagu Eedeeyey Taliye Fahad Yaasiin,hadana waxaa jiray Guux ballaaran oo London arintaan ah.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegeen in Arimo Shaqsiyadeed Fahad Yaasiin uu utegay Caasimada Ingiriiska London,balse uu la kulmi doono Saraakiil katirsan Hay’ada Mukhaabaraadka UK.