XOG:Maxaa ka run ah wararka caawa baahiyeen siyaasihiinta N&N oo shegaayo in Farmaajo soo wacayn Sheekh Shariif iyo…

Xilfaatanka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka ayaa meeshii ugu adkaa maraya waqti xaadirkaan.

Is-qabqabsiga ayaa waxaa holac kusii shiday markii mas’uuliyiinta laga hor istaagay in ay socdaalaan Beledwayne wallow dib looga fasaxay.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in markii Shariif iyo Xasan la xiriireen madaxweyne Farmaajo uu ku dhageystay telefoonka.

Illo wareedyo ayaa sheegay in markii dhowr jeer uu ku dhageystay uu ku dalbay madaxweynaha HirShabelle, kaasoo la hadlay Xasan Sheekh.

Sidda laga soo xigtay Waare, hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka, ayaa si kulul ula hadlay madaxweynaha maamulka Jowhar.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in khilaafka uu sii xoogeysanayo, isla markaana uusan jirin haatan wax isu soo dhowaanshiyo ah.