Xoghayihii Hore ee Arimaha Dibada UK Boris Johnson oo Si’adag Udifaacay Qorshaha Kabixitaanka Brexit

Xoghayihii hore ee arimaha dibada UK Boris Johnson ayaa difaacay qorshihiisa kabixitaanka heshiiska Brexit kaas oo ay ahayd in Britain ay kaga baxdo midowga yurub.

Mr Jonhnson oo ah musharaxa ugu cad cad doorashada xilka Ra’iisul wasaaranimo ee Britain ayaa hadalkani ka sheegay wareysi gaar ah uu sii yay BBC’da.

Johnson ayaa sidoo kale sheegay in UK ay ka bixi doonto midowga yurub iyadoona lagaarin wax heshiis ah.

Waxay ila tahay in siyaasada kabixitaanka midowga yurub ay isbadashay 29’kii bishii March, markaas oo ku egaa waqtiga rasmiga ah ee ahayd in UK ay kabaxdo midowga yurub.

Qorshaha heshiiska Brexit oo ay soo diyaarisay Ra’iisul Wasaaraha xafiiska sii baneenaysa ee Therese May ayaa waxaa mudo sadax jeer ah kahoryimid in ay meel mariyaan Baarlamaanka UK.

Mr Johnson oo tartan adag kala kulmaya xoghayaha arimaha dibada ee UK Jeremy Hunt ayaa ku doodaya in haddii ladoorto uu bilaabi doono wadahadalo cusub oo laxariira arimaha ganacsiga xorta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here