Home WARARKA XOGHAYAHA Arimaha Dibadda UK oo ku wareeray Barashada madaxda Soomaalida & Waxyaabihii...

XOGHAYAHA Arimaha Dibadda UK oo ku wareeray Barashada madaxda Soomaalida & Waxyaabihii kala qabsaday Madaxweynayaashii & Xildhibaanadii safka usoo galay (MUUQAAL YAAB LEH)

2
0

Xoghayaha Arimaha dibadda Ingiriiska Boris Johnson ayaa dhawaan soo gaaray magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka isagoo la kulmay madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Laakiin arinta dad badan ka yaabisay ayaa aheyd markii qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka ay si lama filaan ah ku yimaadeen safaarada Ingiriiska ee Muqdisho ayna usuura gashay iney la kulmaan xoghayaha arimaha dibadda.

Muuqaal la duubay ayaa muujinaya in Xoghayaha arimaha dibadda Ingiriiska uusan wax aqoon ah ulaheyn madaxda badan ee dalka Soomaaliya, waxaana mid kamid ah saraakiisha safaarada Ingiriiska uu bilaabay inuu baro oo uu usheego madaxweyne kasta iyo maamulka uu ka socdo.

Kadibna kulan  daqiiqado aad ukooban ah ayuu kula yeeshay xafiis kuyaal safaarada Ingiriiska isaga oo kaliya ayaana hadlay.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA

Arinta kale ee dad badan ka yaabisay ayaa aheyd in xoghayaha arimaha dibadda Ingiriiska uu wax ka yara shan daqiiqo uhelay ku dhawaad 20 xildhibaan oo saf ugu jiray iney gacan qaadaan oo ay salaamaan dhamaantood xildhibaanadan ayaa haysta sharciga Ingiriiska.

Labo Xildhibaan ayaa hadashay midka koobaad waa Ciyaar Jecel oo yiri “wax wanaagsan ayaa sameysay” halka Prof Zakariye Xaaji Cabdi uu isna ka qosliyay oo uu yiri “Allah adiga miyaa” xoghayaha ayaana ku jawaabay “Allah haa waa aniga” kkkkk.

 

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here