XOG:Farmaajo oo aad oga xanaaqay arin hadal heynteeda shalay ka taagneyd Soomaaliya oo Kheyre sameeyay

Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow madaxweynaha dowlada Soomaliya ayaa shegaayo in madaxweynaha aad oga carowday tilaabadii oo shalay ku dhaqaaqay ra’isulwasaare Kheyre.

Madaxweynaha ayaa lasheegay in siweyn oga carowday kulankii dhex maray Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha mucaaradka ku ah dowladiisa ee katirsan barlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xubnahaas yihiin kuwa mar waliba dowladiisa kasheego waxyaabaha xun xun caqabad weyna ku yihiin ayna habooneyn in xiligaan la kulmaan shaqsiyaad katirsan dowladiisa.

Xasan Cali Kheyre oo hore oga tirsanaa dowladii Xasan Sheekh Maxamuud siweyn saxiibo ula ahaa xildhibaanada mucaaradka dowlada ayaa kala hadlay sidii loo dhisi lahaa galmudug oo loo mideysanyahay.