XOG:Beesha Habargidir oo qarka u saaran iney ka baxdo Heshiiska Galmudug & Xiisada Dh/mareeb

Qaar ka mid ah Beelaha Habargidir ayaa si adag kaga soo horjeestay qorshaha Dowladda Federaalka ee ku aadan doorashada Galmudug iyo dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee haatan ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Beelaha Sacad iyo Saleebaan ee Habargidir ayaa sheegay ineysan ku qanacsaneyn waxa ka socda Dhuusamareeb,islamarkaana ay kaliya ku kooban tahay wixii ka soo baxa Dowladda Federaalka iyo cidii taageersan.

Waxay Dowladda Farmaajo ku eedeeyeen iney faragelin toos ah ay ku heyso doorashada Galmudug,islamarkaana dooneyso iney soo saarato hoggaamiye hayin u ah Villa Soomaaliya,islamarkaana rabitaankeeda qudha fuliya.

Sidoo kale,waxayna walaac xooggan ka muujiyeen ciidanka Itoobiyan ee haatan ku soo qul qulaya magaalada Dhuusamareen,waxayna ka cabsi qabaan in arrinta isku bedesho sida doorashadii 2018-kii ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur galbeed.

Siyaasiyiinta,Xildhibaanada iyo qaar ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda Galmudug ayaa ka digay natiijada ka dhalan karta in ciidan Itoobiyan ah loo adeegsado doorashada Galmudug ee bishan gudaheeda lagu wado iney ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.