XOG: Yaa lahaa Go’aanka Dalka looga Ceyriyay Nicolas Haysom, Farmaajo Mise Kheyre?

Xog gaara ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka yimid Amarka guud ahaan Shaqada uu Dalka ka hayay looga joojiyay Nicolas Hysom.

Dowladda Somalia ayaa ku wargelisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inaan wadanka laga rabin, kadib markii uu wakiilka Q/Midoobay jebiyay hab maamuuska iyo dhaqankii diblomaasiyadeed ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isagoo fara geliyay madax bannaanida dalka, sida lagu yiri qoraalka Wasaaradda Dibadda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Go’aankan Madaxda Dalka ay gorfeynayeen Mudo ka badan 24-saac, iyagoona ugu dambeyn isla qaatay soo jeedinta Madaxweynaha oo ka carooday Hab dhaqanka Haysom.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore u digay Micheal Keating oo hore u ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaasoo faragaliyay arrimo quseeya Dowlada Federaalka, waxaana Talaabadan ay noqoneysaa tii ugu horeysay oo Dowlad Soomaaliyeed ay qaadato tan iyo intii uu dalka burburay.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu Mowqif adag ka taagan yahay arrintan, isagoo Qaramada Midoobay ku wargelin doono in Dowlada Soomaaliya aysan socon karin La’aanta Saaxiibada Beesha Caalamka, balse ay isla dajiyaan Shuruuc lagu shaqeeyo si kala dambeyn loo helo.

Madaxda Dalka ayaa isla gartay in Shir gaar ah laga yeesho Sharciyada iyo Shuruudaha ay dalka kaga howlgalayaan Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana lagu wadaa Shirkaasi inuu ka dhaco Xerada Xalane sida uu inoo sheegay Sarkaal ka tirsan Villa Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in Haysom uu u dhaqmay sidii inuu yahay ninka ugu sareeyo dalka, taasina ay caay ku tahay sharafta iyo dhaqanka Qaramada Midoobay, kadib wareysi uu wasiirka siiyay BBC-da.

Wuxuu sidoo kale sheegay in arintaasi gaf weyn ku tahay dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu warqadii ugu dambeysay uu usoo qoray wasiirka amniga, isaga oo ismooday in wasiirka amniga uu ka talo qaato Mr Haysom, sida uu yiri wasiirka arimaha dibadda.

“Mr Haysom wuxuu dhinacmaray nidaamka diblumaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sidii inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya marka wuxuu Caay ku yahay dhaqanka Qaramada Midoobay, wuxuuna gafweyn ka galay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliyeed”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here