XOG:- Yaa kadanbeeyay guuldaradii MD Xasan iyo Guusha Farmaajo oo gaaray oo ah shaqsi caanka ah

Guuldaradii lama filaanka ah ee Xasan Sheekh iyo xertiisa kasoo gaartay Doorashada maanta ka dhacday Muqdisho ayaa dadka qaarkood lama filaan ku noqotay halka dadka kalana ay filayeen in Madaxweyne Xasan uu meesha ka baxayo uuna isbadal ku imaan doono hogaanka sare.

Guul darada Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sabab looga dhigay qiyaano uu ku sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo balanta uga baxay Madaxweyne Xasan , Xildhibaanada taageersan Shariifka ayaana inta badan codkooda siiyay Musharax Farmaajo iyo Musharaxin kale oo tartan kula jiray Xasan Sheekh.

Shaki badan ayaa horey looga muujiyay in Shariif Xasan uu daacad ka yahay taageerada Xasan Sheekh u balan qaaday, waxaana soo banaanka usoo baxday in Shariif uu lug gooyay uuna balanta uga baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isbaheestay la sameestay.

Guuldarada lama filaanka ah ee ku timid Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ayaa sidoo kale sabab looga dhigay Xildhibanaada Labada Aqal gaar ahaan kuwa cusub oo aad u doonayay isbadal hogaanka ku yimaada iyagoona taageerayay Xildhibaanada Cusub Musharax Farmaajo.

Siyaasiga Shariif Xasan Sheekh ayaa ah in aan la isku haleyn karin siyaasadiida, waxa uuna sidan oo kale horey sabab ugu ahaa guul daradii iyana layaabka laheed ee ku yimid Sheekh Shariif guushana u horseday Madaxweyne Xasan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)