XOG: XASAN SHEEKH MAXAMUD iyo Ajaaniib kala boobaya 17 Milyan oo Dollar, 4 Milyan oo lagala baxay Qasnada Dowladda, Farmaajo Muxuu ka qabtay boobka socda, Warbixin

Madaxweynaha la dhaariyey Mohamed Abdullahi Farmaajo oo aan weli madaxtooyada la wareegin ayaa la sheegayaa in Madaxweynahii hore uu Account yada dawladda kala baxay ilaa haddana kala baxayo isaga oo isticmaalaya kooxdiisii uu maamulka u dhiibtay oo u campaign gareyneysay!

Lacagaha uu boobayo Madaxweynihii hore Somalia iyo maamulkiisii dhacay waxaa kamid ah:-

1- Lacagaha Canshuuraha Dekedda, Garoonka, immigration-ka, Sameynta Passport-ga, Vissa-ha, Tarasmitaalaha, Book-ta baabuurta, Laysinka, Taargada babauurta, Company yadda Turkeys dhaqaalaha kayimaada sida Albairak ee Dekedda Maamusha iyo Company ga Maamula Garoonka Aden Cade

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2- Lacagaha Dawladda hoose Gobolka Banaadir oo gaareysa ilaa 4 Milyan Dollar waxaa lagala baxay qasnadda dawladda.

3- Lacagaha Hawada Somalia kasoo xarooda oo gaaraysa ilaa 17 milyan Dollar hadda ayaa lakala tuuranayaa ajaanibta maamulata iyo maamulkii doorashada looga adkaatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaan weli madaxtooyada degin, amrin dhamaan masuuliyiinta dawlada inaan qasnadaha dawladda lacag laga bixin karin,

Madaxweyihii Hore Hassan Sheikh ayaanba xisaabta ku darsan in doorashada looga adkaanayo.
Madaxweynaha la doortay Maxamed Farmaajo ayaa shalay la kulmay Wasiirka Maaliyadda, hanti dhowrka qaranka iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe isagoo amar ku siiyay inaan wax lacag ah lagala bixi karin dhamaan qasnadaha dowladda nooca doonaan ha ahaadan.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)