XOG: Xasan Sh oo Xilka Ra’isul Wasaaraha gacanta ka saaray Beesha Majeerteen – Yaase Noqon doona?

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya olalaha doorashada iyadoo musharaxiinta ay sameysanayaan isbahaysiyo ugaar ah.

Si kastaba, Warbaahinta baahin.net ayaa ogaaneysa in musharax Xasan Sh Maxamuud uu ubalan qaaday Cabdi Raxmaan Sh Maxamed Faroole inuu ka dhigi doono Ra’isul wasaaraha Soomaaliya hadii uu xilkaas ku guuleysto.

Faroole oo la aamisan yahay inuu haysto taageerada xildhibaanada ugu badan ee kasoo jeeda Puntland ayaa waxaa uu dhawaan madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay Xasan Sh, waxaana la helayaa iney halkaas heshiis ku gaareen

Musharax Faroole ayaa la ogaanayaa in lagu qanciyay xilka ra’isul wasaaraha hadii uu Xasan Sh guuleysto, laakiin waxaa qasab ah in uu olole xoogan ugalo sidii uu ugu taageeri lahaa doorashadiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xasan Sh oo Itoobiya ku sugan uu xataa dowlada dalkaas ku wargeliyay in hadii uu guuleysto uu ra’isul wasaare ka dhigan doono Faroole, inkastoo aan la ogeyn hadii ay Itoobiya arintaas ogoshahay.

Si kastaba, Cabdi Raxmaan Faroole ayaa dadaal ugu jira in Xasan Sh uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya maadaama uu ogson yahay iney ku adag tahay inuu isaga guuleysto, waxaana uu doonayaa inuu ra’isul wasaare noqdo.

La soco baahin.net iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)