XOG XASAASI AH: Musharaxiin Caan ah oo diiday inay ka qeyb galaan Dooda Musharaxiinta (Magacyada)

Iyadoo la filayo in maanta ay dhacdo dooda loo qabanayo Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa jira musharaxiin diiday inay ka qeyb galaan Dooda.

Musharaxiintan ayaa ku cudu-daartay in ay doodaas ka qeyb noqdaan, iyago sheegay in ay howlo xasaasi ah dhexda uga jiraan oo aysan fursad u heysan arrimahaas.

Haddaba baahin.net ayaa heshay in xubnaha Musharaxiinta ah ee diiday inay doodan ka qeybgalaan, waxayna kala yihiin.

1. Xasan Sheekh Maxamuud
2. Shariif Sheekh Axmed iyo
3. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Sidaas oo kale waxaa laga yaabaa in ay doodan diidaan musharaxiinta qaarkood, halka kuwana ay isku diwaangaliyeen doodan oo lagu qaban doono Xarunta Warbaahinta Dawladda.

Xariiro aan sadexdan musharaxba la sameynay wey ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arrimahan iyo sababaha keenay, balse warar hoose ayaa sheegaya in Xubnahan ay ku jiraan baratan adag oo siyaasadeed.

Sadexdan musharax ayaa ah kuwa sida weyn ladoonayey in arrimahooda ay u dhageystaan Shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay kamid yihiin ragga ugu cad-cad ee Madaxweyne-nimada Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)