XOG XASAASI AH: Kheyre oo wali Damac kaga jiro Imaaraadka iyo Farmaajo oo u Digay

Warar hoose ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu doonayo in Wada hadal lala galo Dowlada Imaaraadka oo gabi ahaanba Madaxweyne Farmaajo uu diidan yahay inay lala heshiiyo.

Kheyre ayaa arrintan hore ugu soo Bandhigay Madaxweynaha Dalka balse Farmaajo ayaa kaga digay inuu qaado Kheyre talaabo uu kusoo dhaweynayo Xiriirka Imaaraadka.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la fahamsan yahay Khilaafka ka sukow inuu wali saaxiib la yahay Dowlada Imaaraadka, wuxuuna doonayaa inay maalgaliso marka la gaaro doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer kaga digay Kheyre iyo Wasiiradda Xukuumadiisa inay faraha kala baxaan arrimaha Imaaraadka maadaama dhinac kasta oo laga maray Farmaajo uu diidan yahay in la soo celiyo xiriirkii Imaaraadka.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha uu ka warqabo doonista Kheyre ee Imaaraadka, waxaana laga yaabaa haduu arrimahaasi kaga dambeyn waayo Madaxweynaha inay ku kala tagaan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa mugdi galay kadib markii Muqdisho ay dalbatay in Abu Dhabi joojiso faragelinta ay ku heyso Soomaaliya, waxaana jira waanwaan ay wadeen Dowlado dhowr ah oo ay ka mid tahay Sacuudiga oo guul dareystay, sidoo kale Jaamacadda Carabta ayaa ku guul dareysatay inay heshiiso Soomaaliya iyo Imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here