XOG XASAASI AH: Itoobiya oo 5 Arrin darteed Saaxiib uga dhiganeysa Farmaajo iyo Kheyre

Dhowaan ayay aheyd markii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu booqashadii ugu horreysay ku tegay Itoobiya oo la aaminsan yahay in saameyn dhan waliba ah ay ku leedahay Soomaaliya.

Arragtiyo kala duwan ayay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan siyaasadda dowladda Itoobiya,qaar ayaa u arka cadow soo jireen ah oo aan marnaba lala saaxibi karin,isla markaana ay tahay dowllad khiyaano badan, halka kuwoo kalena ay aaminsan yahay in laga heshiiyo waxyaabihii horey u dhacay,xalkana uu ku jiro wada-hadal labada dhinac ah.

Ra’iissul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn Boshe,oo dhowaan dalkiisa ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkuba u muujiyay is-baddel dhanka siyaasadda ah,isagoo si cad u sheegay in dowladdiisa ay ilaalineyso madax-banaannida dhulka Soomaaliyeed.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO XOGTA OO DHAN

Dhanka kale, shirkii London ee arimaha Soomaaliya ayuu RW Itoobiya kusoo bandhigay arimo cajiib ah oo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa hadda sidii ay doonto ula macaamisha maammul goboleedyada ka jira Soomaaliya,meelaha qaarna waxay ka furatay Qunsulliyado ay ku sheegtay inay shacabka ka cawinayaan dal ku galka “FIISAHA” dhulkeeda.

Wel-welka ugu badan ee ay shacabku qabaan ayaa ah, in Itoobiya aysan marnaba raali ka aheyn Soomaaliya oo hana qaadda,yeelatana dowllad awood leh oo dib u soo celisa kala dambeynta dalka.warbaahinta Baahin.com ayaa si dhow ula socoto siyaasadda cusub ee Itoobiya.

Farmaajo, waxaa lagu tiriyaa dadka aan la dhacsaneyn siyaasadda ay dowladaha deriska ku wajahayaan Soomaaliya,isagoo u arka cadow aan dantooda mooyee dan kale u joogin Soomaaliya.

Haddaba,shabakaddana wararka ee Baahin.com ayaa ogaatay 5 sababood oo keentay in Itoobiya ay beddesho siyaasaddeeda Soomaaliya,una hoggaan sanaanto dowaladda Farmaajo:

1- Baahidii ay uqabtay Dekadda Berbera: Dowladda Itoobiya ayaa dadaal xoogan ugashay iney saami ku lahaato dekadda Berbera, waxaana arintaas garab weyn ka siiyay dowladda Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Imaaraadka uu ogolaaday baaq uu udiray madaxweyne Farmaajo, sidoo kalana uu madaxda Somaliland ka dhaadhiciyay in saami laga siyo qeyraadka dekadda.

Itoobiya ayaa haatan saami dhan 19 boqolkiiba ku lahaneysa dekadda magaaladda Berbera .

2-Muranka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Masar: Labadan dowlladood ayaa ah cadow soo jireen ah,waayo waxay ku muransan yihiin Biyaha webiga NILE oo Masar kaga yimaada Itoobiya. Dhaqaallaha Masar ayaa ku xeran beeraha,waxayna ku waraabisaa webiga Nile,iyadoo Itoobiya ay hadda dhisatay biyo-xereenno yareyn kara qul-qulka webiga iyo biyaha gaara Masar.

Masar ayaa dadaal ugu jirta sidii ay xiriir fiican ula yeelan la heyd Soomaaliya,iyadoo u jeedeedu tahay qaabkii ay u heli laheyd meel ay saameyn kaga yeelato siyaasadda Itoobiya,si ay u ilaashato danaheeda siyaasadeed iyo dhaqaalle.

Itoobiya oo ka didsan qorshaha cadowgeeda Masar ayaa go’aansatay inay baddesho siyaasaddeeda Soomaaliya,si ay xiriir fiican ula yeelato dowaladda dhexe.

3-Culeys ay Itoobiya kala kullantay Ingiriiska Iyo Mareykanka: Taariikh ahaan, Ingiriiska ma ahan saaxiib ay leedahay Soomaaliya,waana dalkii sababta u ahaa kala qeybinta dhuleed,laakiin haddana waa awood jirta oo  saameyn ku leh bariga Afrika iyo gudaha Soomaaliya.

Mareykanka waa dal awood ahaan hoggaamiya dunida,waxuuna saameyn dhaqaalle iyo mid ciidanba ku leeyahay inta badan waddamada soo koraya, gaar ahaan kuwa Islaamka.

Ingiriiska iyo Mareykanka ciidamo aan la oggeyn tiradooda ayaa ka jooga Soomaaliya,waxaana muuqata in sannadahan dambe ay sare u qaadeen faro-gellinta ay ku hayaan dalka.

Markii hore, dowaladda Itoobiya ayay dhaqaalle badan ku siin jireen la-dagaallanka Al-shabaab,laakiin waxay hadda aad u dhaliileen wax-qabadkooda,maadama ay weli taagan tahay halista ka imaaneysa kooxaha diiddan dowladda.

Labadan dal oo wata danahooda gaarka ah ayaa go’aansaday in Itoobiya ay yareyso faro-gellinteeda Soomaaliyed,si aysan u sii badanin naceybka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed,waana farsamo cusub oo ay ku soo kordhiyeen siyaasaddooda ku wajahan Soomaaliya iyo la dagaallanka Al-shabaab.

4-Muranka siyaasadeed ee ka taaggan gudaha Itoobiya: Qowmiyado badan oo kala siyaassad, dhaqan iyo diinba ah ayaa ku nool Itoobiya,kuwaas qarkood u arka inay dulmiso dowladda dhexe.

Itoobiya waa dal federaal ah, qowmiyadda Tigreega oo ka mid ah kuwa laga tirada-badan yahay ayaana maamulka haya,sidaas darteed,waxaa jira kooxo ku kacsan dowladda oo diyaar u ah inay dagaallamaan,horeyna u dagaallamay.

Ra’iisul wasaare Hailemariam oo aan Tigree aheyn laakiin ah aqoonyahan dareensan sida ay xaaladda siyaasadeed issu baddeli karto ayaa go’aansaday inuu la saaxibo Soomaaliya, si kooxaha diiddan dowaladdiisa aysan mustaqbalka gabbaad uga dhigganin gudaha Soomaaliya.

5-Dhiiro-naanta Farmaajo: Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si aan gambasho la heyn ugu baaqay Itoobiya inay ilaaliso deris-wanaagga,si taas loo helana ay tahay inay joojiso faro-gelllinta.Farmaajo waa nin ku xeran dowladaha reer Galbeedka,sidaas darteedna, waxaa hadalkiisa u nugul dowladaha daneeya Soomaaliya,waxuuna muuqaal xun ka ka bixin karaa siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya.Sidaas darteed,Itoobiya waxaa waajib ku ah inay ilaashato dhaqaallaha ay ka hesho Mareykanka iyo Yurub.

Waxaa qoray: Maxamed Cisman Xabiib


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Dahirhussein says:

    Waxaa laga marmaan ah in dowladda Ethiopia, ay ku jirto xalaad cakiran xagga siyaasadda kacdoonta isbedel doonka ah ee ka jirta, hankidii waa yiraaday, waxaase loo bahanyahay in laga feejignado la dhaqaankiida.

    Haddii laga helo deris-wanaag iyo wado shaqeeyen. dowladda Ethiopia, waxaay dhibaatooyin ka sameeysa wadanka Somalia ila iyo ay buurburtay dowladii dheexi ee ka jirtay Somalia, markii ay arragtay dadka Somaliyeed oo ayka buuxan dad aan wadaniyin ahayn oo dhaqaankoodii xumaday kuwaaso ku jira dowladda Somaliyeed lana ogyahay inay siiyan sirta Somalia hadba meeshii ay marayso iyo tacadiga lagu sameeynkaro oo u badan mamuul goboleedya qaarkood dhibaatooyina ku haya dadka ay xukun u hayan ee Somaliyeed.

  2. muumin says:

    waxasa war lagaaga dhigi,,, dekada berbera in ethiopia 19 la sinayo farmaja u ogoladay eesh calaa war beentu waa xaaraan an cadeyn lo hayn
    dekada berbera ee jsl 35 percent iyada le 65 dp world ba le sida xukumada jsl shegen 19 ka mida sherrinka dp world aya sisay ethiopia marka dp wxa uso hadhaya 46 percent awalba iyada lahayd 65 kee

  3. muumin says:

    mid kalaan ku daraya waxaan weydin laha qoraha maqaalkan waxan aad qortay haday runtay oo farmaajo siiyey 19 ethiopia somaliya iyo farmajona imisay qaateen iyaguna walaahi xita hadaad been sheeg is leedahay mid run u eeg ba la sheegaa




wararkii ugu danbeeyay