Xog:-Weeraro Lagu Qaadayo Agagaarka Xarunta Baarlamaanka, Madaxtooyada +Sababta

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa warqado digniin ah ku daadisay eeryada Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia.

Warqadaha ay daadiyeen Maleeshiyaadka ayaa waxaa ku qornaa in Maleeshiyada ay weeraro ka geysan doonto agagaarka Xarunta Baarlamaanka, Madaxtooyada iyo dhammaan goobaha muhiimka ah ee saaran wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Warqadaha ayaa waxaa ku cad in dadka deegaanka looga digaayo inay ka guuraan eryada, gaar ahaan waxa ay digniintaasi ku soctay dadka ku nool buushashka dhabarka danbe kaga yaal Xarunta Golaha Shacabka.

Maleeshiyadau waxa ay warqadaasi ku cadeysay inaan lagu eedi doonin haddii dadka Masaakiinta ee ku nool goobaha wax lagu daadiyay ay waxyeelo kasoo gaarto talaabadooda, sida ku xusan warqadaha.

Dowlada Somalia kama aysan hadal falkaasi, waxa ayna Su’aashu tahay sababta ka danbeysa in Ciidamada Dowlada ay ogaan waayaan Warqadahaasi la daadiyay maadaama goobaha lagu daadiyay ay dhooban yihiin Ciidamo iyo shaqaale ka tirsan Dowlada.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)