XOG: Wasiiro Mashruucyo waa weyn ku lug leh oo ka Cabsi qaba in Kheyre xilka ka qaado

Warar hoose oo ay heshay Baahin.com ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada Soomaaliya ay kulan la qaateen Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, iyagoo ka dalbaday inuusan go’aan uu isku shaandheyn ugu sameynayo wasiiradda maadaama sida ay sheegeen ay mashruucyo badan qorsheynayaan inay fuliyaan bilaha soo socda.

Wasiiradan ayaa cabsi ka qaba in beelahooda ay Ra’iisul wasaaraha ku cadaadiyaan inuu isku shaandheyn sameeyo maadaama xilalka qaarkood uu muran badan ku jiro.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadda ay wax badan qabatay tan iyo markii la dhisay sidaas darteed aysan hada macquul aheyn in la kala diro wasiirada oo kuwa cusub la magacaabo taasoo dib u dhigi karta hormarka la doonayo in dalka uu ku talaabsado.

Si kastaba ha ahaatee go’aankan ay isla qaateen Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wasiiradiisa waxaa ka caroon doono beelo dhowr ah oo cabasho ka ahaa xilalka wasiirada oo ay heystaan, iyagoo doonaya in xilal kale la siiyo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay