XOG: Wasiir Sabriye Oo Kulan Lagu Kala Tegay La Yeeshay Hogaanka Ahlusuna

Sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay Kulan lagu kala tegay ayaa waxa uu dhexmaray Saacado ka hor Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Hogaanka Ahlusunada Gobollada Dhexe.

Kulankaas oo ka dhacay Magaalada Dhuuso mareeb ayaa la sheegay in looga hadlayey Arimaha Doorashada Galmudug.

Hogaanka Ahlusuna ayaa qodobo badan hordhigay oo ay u arkayeen inay Dawlada uga baxday Culimada Ahlusuna Ballantii ay wada galeen.

Waxaa kulanka uu socday Seddex Saacadood,kaas oo ka dhacay Xarunta Inji uu ku shaqeeyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulanka ka hor ayey Ahlusuna ku dhawaaqeen inay kasoo horjeedaan,Hanaanka Dawlada umartay Doorashada Galmudug xilli aysan weli saluuga Ahlusuna xalin.

Shirkaas ayaa la sheegay in lagu kala tegay markii is fahmi waa qodobada la isku qabtay,iyadoo Kulan kale loo ballamay.