XOG: Wasiir Janan Oo Tegay Nairobi Wada Hadalna La Furay Villa Soomaaliya

Ilo wareed lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in Wasiirka Amniga Jubbaland uu kusugan yahay iminka Magaalada Nairobi Ee Caasimada Dalka Kenya.

Wasiir C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa warar aan ogaanay waxay sheegayaan in uu wada hadal la furay Dawlada Federaalka Soomaaliya.

C/rashiid Janan ayaa baxsad ka ah Dawlada Dhexe oo Xabsi ay ku heysay Magaalada Muqdisho iyadoo dagaal uu kala dhaxeeyo.

Wasiir Janan ayaa hadda umuuqda mid dhabar jebin ku sameenaya Dawlad Gobolleedka uu katirsan yahay hogaamiyaheeda Axmed Islaam Madoobe.

Dad ka ag dhaw C/rashiid Janan waxay sheegeen in Wada xaajoodka Dawlada Dhexe iyo Wasiirka ay bilow tahay oo aan la ogeyn waxa uu ku dambeyn doono.