XOG: Warar Sheegaya in M/weyne FARMAAJO uu Xilka R/wasaaraha u magacaabayo Haweeney Caan ah…

Wararka ku saabsan R/wasaaraha Cusub ee Dowlada Farmaajo ayaa iska soo daba dhacaya Balse waxaa Calaamad su’aal saaran warar sheegaya in Xilka R/wasaaraha Soomaaliya la siin doono Haweeney waxqabad lagu bartay Drs. Maryan Qaasim Axmed oo Guddoomiye ka ah Xisbiga Tayo uu ka tirsanaa M/weynaha Cusub ee Soomaaliya,

Hadal-qoraal oo ay Drs. Maryan Qaasim.soo dhigtay Barteeda Twitterka ayey ku sheegtay inaysan Somalia xilligan diyaar u ahayn in la magacaabo Ra’isul-wasaare Haweeney ah oo ka soo jeeda Dadka laga tiro badan yahay hadalkaasi ayaa sidoo kale shakiga sii kordhiyay.

Waxay intaasi ku dartay inay dadaal u geli doonan sidii ay awoodooda isugu geyn lahaayeen sidii ay Madaxweyne Farmaajo.ugu taageeri lahaayeen.

Arrintaasi darteeda ayaa waxaa laga yaabaa in Drs. Maryan Qaasim loo magacaabo Xuilka Ra’isul-wasaaraha Dowladda cusub, iyadoo ay noqon doonto markii ugu horreysay ee Taariikhda Somalia haddii qof Haweeney ah loo magacaabo.

Drs. Maryan Qaasim Axmed waxay horey u soo qabatay Xilalka Wasiirnimo ee Caafimaadka, Waxbarashadda, Dhallinyarada iyo Sport-ga, iyo Arrimaha Qoyska ee Dowladdii KMG iyo Dowladda Federalka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo waxaa ku adkaan doonta haddii uu qof Dumar u magacaabo xilka Ra’isul-wasaaraha sida uu isku waafijin lahaa Xilkaasi iyo Awood-qeybsiga 4.5

Haweenka wey ku dulman yihiin dhinaca Siyaasadda, waxaana horey looga boobay inta badan Kuraastii BFS ee loo qoondeeyey, mana helin 30% sida horey la isugu raacay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)