XOG: Wada Hadal u Socda Kooxda Daacish Iyo Al-shabaab (Muxuu Ku Saabsan Yahay?)

Xog hoose oo ay heshay Wakaaladda Wararka baahin.net ayaa waxay sheegeysaa in kooxda Al-shabaab ay haatan wada hadal hoose kula jiraan Kooxda Daacish ee ka dagaallanta Siiriya iyo Cirqaad.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in saraakiisha sare ee Al-shabaab ay la hadleen hoggaanka Daacish, waxaana loogu baaqey iney dhanka Daacish si rasmi ah ugu soo biiraan, kana soo baxaan Al-qaacida.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa weydiiyey Daacish waxyaabaha ay ka heli karaan, waxaana loo sheegay iney heli doonaan wax walbo oo ku aadan maalgelin.

Hadaba Al-shabaab ayaa hadda dib isugu maqan, waxaana ay go’aan kasoo gaari doonaan iney kamid noqdaan Daacish iyo in kale, waxaana la ogeyn go’aanka qaadan doonaan.

Al-shabaab horey waa ay u diidanaayeen kamid noqoshada kooxda Daacish, waxaana ay doonayeen iney ahaadaan kuwo sidooda ugu jira Al-qaacida, balse hadda dhaqaale xumi ayaa hayso.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)