XOG: Villa Soomaaliya oo go’aan ka qaadatay in ay Janan loo dhiibo Booliska Aduunka

Sidda aan horey ku baahinay wararkeenii hore, hay’adda booliska aduunka ayaa waxa uu ka codsadey dowladda federaalka ah in ay kusoo wareejiso Wasiirkii Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan.

Mr Janan oo tan iyo 1-dii bishaan September ku xirnaa magaaladda Muqdisho ayaa waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira dilal culus oo ka dhacay gobolka Gedo, sidda uu boolisku shaaciyey.

Kahor xarigaan, wararka ayaa sheegaya in Janan uu ku jiray liiska dadka ay doondooneyso Interpol, oo ah hay’adda boolisk aduunka, taasi oo qabata dadka dambiyadda waaweyn lagu soo eedeeyo.

Illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey in madaxda ugu sareysa Soomaaliya ay isku raaceen in Janan aanan loo gacan gelin Interpol, laguna maxkamadeeyo Muqdisho.

Sikastaba ha haataee, waxaa la filayaa in maalmaha soo aadan maxkamad lasoo taago, isla markaana ay haatan socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee la xiriirta isku daba ridka gal-dacwadeedkiisa.