XOG: Villa Somalia oo Ogaatay magacyada wariyeyaal bixiyay Xogta shirka Adis-ababa ee Farmaajo & Uhuru Kenyatta

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa heshay Liiska Wariyeyaal iyo shaqsiyaad kale oo lagu tuhmayo iney faafiyeen warar abeen abuur ah oo ku aadan in Dowladda Federaalka ay bedeshay mowqifkeeda qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Illo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in guddi sahmin oo ay madaxtooyada si qarsoodi ah ugu adeegsatay iney u soo ogaadaan wariyaasha iyo shaqsiyaadka warkaasi Baraha Bulshada iyo magaalada geliyay.

Guddiga oo ka kooban ilaa iyo 15-ruux ayaa bixiyay xog hordhac ah oo lagu dabagalayo wariyaasha iyo shaqsiyaadka wararkaas faafiyay.

Lama oga tallaabada xigta ay qaadeyso madaxtooyada Soomaaliya,balse warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in magacyada shaqshiyaad la soo helay loo gudbinayo Xeer ilaalinta guud ee Qaranka oo arrintan qeyb ka ah.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/nuur Maxamed Axmed ayaa Wararkaasi ku tilmaamay mid been Abuur ah, isaggoo Xusay  in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu wado Baaritaan  ku saabsan Ilaha Wararkaan Been Abuurka ah Baahiyey.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah” Ayuu yiri C/Nuur Maxamed Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here