XOG: Villa Somalia oo ka Shakisan inuu Xasan Sheekh Imaaraadka la galay Heshiis Kacdoon ah

Warar hoose oo ay heleyso Badweyn.com ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay shaki xoog leh ka qabto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah la yeeshay Xubno ka socda Dowlada Imaaraadka.

Dowlada Imaaraadka ayaa u balanqaaday Xasan Sheekh inay ka taageereyso dhaqaalaha ku baxaya Isbedelka ay doonayaan Xisbigiisa si ay u qalqal galiyaan Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Villa Somalia ayaa la ogaaday inay il gaar ah ku heyso Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo Lacago ku qaatay in Shacabka lagu kiciyo Nabad iyo Nolol Seminaarana loo qabto sidaas waxaa inoo sheegay Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Ex-Madaxweyne Xasan ayaa ilo u dhow waxay sheegeen inay ka go’an tahay ku soo laabashada Kursiga Madaxweynaha isagoo tartan doorasho adag la galaya Madaxweyne Farmaajo iyo Isbaheysiyada kale ee abuurmi kara sida Xisbiga la filayo inuu ku dhawaaqo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Imaaraadka Carabta ayaa siyaasadeeda Dowlada Soomaaliya waxay u wareejisay Mucaaradka iyo Maamul Gobaleedyada ku kacsan Dowlada Dhexe, iyadoo ku guul dareysatay inay abuurto xiisado ay ku qalqal galineyso Villa Somalia balse heshiiska Xasan Sheekh iyo Imaaraadka ayaa cabsi galin kara Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Labo Todobaad ka hor Golaha Amaanka Qaramada Midoobay u gudbisay Dacwad ka dhan Imaaraadka Carabta oo ay ku eedeysay inay wali faragalin qaawan  ku heyso Siyaasadda iyo Arrimaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke oo la rumeysan inuu si weyn ula shaqeeyo Imaaraadka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay wada Abaabul ka dhan Dowlada Madaxweyne Farmaajo isagoo kulamo la yeelanaya shaqsiyaadka siyaasad ahaan kasoo horjeeda wuxuuna guddoomiye u yahay Xisbiyada Mucaaradka ugu waa weyn oo Hal Xisbi ku midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here