XOG: Thaabit Cabdi oo wada Olole Culus si uu Madaxweyne kaga noqdo Somalia balse Dalal Reer Galbeed ah oo…

Warar hoose ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Thaabit Cabdi uu wado Olole uu mansab fiican kaga raadinayo Doorasada soo socota ee dalka ka dhaceysa 2020.

Thaabit oo Kulan Albaabada u xiran yihiin la qaatay Siyaaasiyiin iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa u sheegay inuu doonayo in Madaxweyne uu isku soo sharxo Doorashada soo socota, isagoo sheegay in xubno isaga matala ay olole ka wadaan qaar ka mida Dalalka caalamka oo Soomaalida ay ku badan yihiin.

Thaabit Cabdi ayaa tan iyo markii xilka laga qaaday wuxuu socdaal ku marayay qaar ka mid ah Dalalka Yurub isagoo taageere ka raadinaya dadka qurba joogta oo qaarkood uu ka codsaday inay maalgaliyaan.

Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Turkiga ayuu la kulmay Thaabit isagoona ka codsaday inay taageeraan Doorashada soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here