XOG: Sirdoon“Shabaabkii weeraray Madaxtooyada waxay Habeen ka hor seexdeen Guriga Taliye ku xigeenaka NISA”

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa  xaqiijiyay in Taliye ku xigeenka koowaad ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee “NISA” Cabdalla Cabdalla Maxamed ee xilkii laga qaaday uu ahaa shaqsigii fududeeyay Weerarkii iyo Qaraxyadii Al shabaab ku qaadeen Madaxtooyada Soomaaliya.

Saraakiil loo qabtay weerarkaasi ayaa cadeeyay inuu amar siiyay Taliye ku xigeenka NISA waxaa baaritaan dheer ka dib la helay Codad iyo cadeymo rasmi ah oo sheegaya inuu Taliyaha fududeeyay Qaraxan.

Raga Shabaabka ee weerarka fuliyay ayaa habeenkii waxay seexdeen guriga Taliye ku xigeenka NISA Cabdalla Cabdalla Maxamed iyagoo maalintii xigtayna weeraray Madaxtooyada sida ay ogaatay Dowlada Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu cararay Taliye ku xigeenka ka dib markii dambigan lagu helay isla markaana uu u dhoofay dalka Imaaraadka, inkastoo warkaasi aanan la hubin.

Waa kuma Cabdalla Cabdalla iyo Jaamac? ­

Cabadalla Cabdalla Maxamed, oo wata darajada Jeneraal ayaa kusoo biiray NISA xilligii Xasan Sheekh, isagoo markaasi kamid ahaa xubnaha ugu sareeya kooxdii loogu yeeri jiray Damul jadiid.

Waxa uu ninkan ku noolaa dalka Yemen, oo uu tagey burburkii dowladdii dhexe kadib, isagoo tababar kooban oo dhanka Sirdoonka ah kusoo qaatey wadanka Sacuudiga, kahor inta uusan kamid noqon NISA.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur [Jaamac], waxa uu mar kasoo mid noqday Amniyat­ka Al Shabaab, isagoo Kooxdan kasoo goostay xilligii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan kadib laga dhigay Qunsulka Soomaaliya ee Turkiga, xilligaasina waxaa Safiir aan si buuxda u howlgalin ka ahaa dalkaasi Cabdullaahi Maxaamed Cali Sanbaloolsho, oo halkaasi ay isku soo barteen.

Markii uu Sanbaloolshe laga qaadey xilka safiirnimo, islamarkaana loo magacaabay Agaasiimaha NISA, waxa uu u yaarey Jaamac oo isna laga dhigay ku xigeenkiisa, isagoo awoodda ku yeeshey hay’adda.

Jaamac ayaa mudo bilo ah soo noqday ku simaha agaasimaha kadib qaraxii Zoobe, 14­kii October illaa laga magacaabayay Agaasiimaha hadda xafiiska jooga, Xuseen Cismaan Xuseen [Uurkuus].

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here