XOG: Shariif Xasan & Axmed Madoobe oo ku heshiiyay qorshe halis ku ah Farmaajo & Kheyre

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Xasan ayaa heshiis siyaasadeed oo khatar ku ah Dowladda Federaalka ku gaaray magaalada Nairobi.

Shariif Xasan oo ahaa madaxweynihii Koonfur galbeed ayaa kursiga isaga tagay ka dib markii uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada Soomaaliya,waxayna wararka qaar sheegayaan in malaayiin dollar ku bedeshay musharaxnimadiisa maamulkaas.

Ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Jubbaland,ayaa inoo xaqiijiyay in Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ay ku heshiiyeen iney diidmo adag kaga hortagaan damaca Villa Soomaaliya ee doorashada 2020,21,kaas oo ku aadan in shacabka ay u dareeraan doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale, Labadan Mas’uul ayaa isku afgartay inaan mar kale Kursiga ugu sareeyo dalka ku soo laaban madaxweynaha haatan talada dalka haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kaasi oo mudada uu xilka hayo sameeyay falal ka dhan ah maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyihiisii Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha kursigiisa lagu muransanyahay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulanka uu Nairobi kula qaatay Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ahaa mid looga hadlay doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.