XOG: Shabaab oo dilay Taliye Ciidan & 17-askari iyo qasaaraha dhankooda gaaray…

Warbixin cusub oo laga helay weerarkii saaka Alshabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda maamulka Jubba ku lahaayeen degaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qasaare baaxad leh kasoo gaaray ciidamada dowladda.

Wararkii ugu danbeeyay iyo xogta laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Alshabaab ay dagaalka ku dileenin ka badan 15 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubba, isla markaana la faliyo inuu dhintay taliyaha saldhiggii Baar Sanguuni oo magaciisa lagu soo gaabiyey C/fataax, kaasoo la la’yahay.

Ciidamada ku dhaawacmay dagaalkii saaka ee Baar Sanguuni ayaa la sheegay inay ka badan yihiin 30 askari, halka dhinaca Alshabab laga dilay ku dhowaad 10 maleeshiyo, iyadoo saanad badan ay Alshabaab halkaasi ka rarteen, waxaana isa soo taraya faahfaahinta laga helayo dagaalka oo qaraxyo ku bilowday aroortii hore.

Alshabaab aya sheegatay in weerarka ku dishay 27 askari, taasoo ay beeniyeen saraakiisha ciidamada jubbaland, laakiin magaalada Kismaayo ayaa laga dareemay dhiilo colaadeed iyadoo gurmad degdeg ah loo diray aagga Baar Sanguuni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here