XOG: Saddex Wasiir oo lagu cadaadinayo in ay Deni hoos-keenaan Villa Soomaaliya

Hogaanka madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay bilaabeen olale xoogan, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay sidii loosoo afjari lahaa ismaandhaafka kala dhaxeeya maamul goboleedka Puntland.

Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in qorshahan loo xil saarey saddex wasiir, kuwaasi oo degaaan doorashadoodu tahay maamulkaas, kuwaasi oo durba bilaabay fulinta iyo dhaqan-gelinta rabitaankaas.

Mas’uuliyiinta ayaa waxay kala yihiin; Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Kalluumeysiga, Cabdillahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa daboolka ka qaadaya in mas’uuliyiinta cadaadis lagu saarayo sidii ay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni u hoos keeni lahaayeen Madaxtooyadda Qaranka.

Warbixinadda ayaa sheegaya in Deni uu ogolaaday in uu wada hadal la galo dowladda si loo dhameeyo khilaafka, talabadaas oo guul u ah xukuumadda, wallow uu ka biyo diiday in uu joojiyo taageerada Jubbaland.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa dowladiisa waxay xusul-duub ay ugu jirtaa sidii ay meesha uga saari lahayd Axmed Madoobe, kaasoo maamulkiisu ku adkeysanayo in aysan farogelin karin dowladda.