XOG: R/wasaare Kheyre Oo Diyaarad Helocopter Ah Maanta Uqaadanaya Magaalada…

Warar Baahin ay ka heshay Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu maanta ku  wajahan yahay Magaalada Baraawe Ee Gobolka Sh/Hoose.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa usheegay Warqabadkeena in Xasan Kheyre uu isku diyaarinayo aadista Maanta Degmada Baraawe oo ah meel ay Ciidanka Dawlada iyo kuwa K/Galbeed Sanado ka hor Shabaab ka saareen.

Baraawe deegaano ku dhaw waxaa kusugan Shabaab waxaana laga cabsi qabaa in weeraro ay soo qaadaan Kooxaha Argagaxisada ah sida loo maleenayo.

Lama sheegin Sababta ka dambeysa in R/W Kheyre Baraawe tego maanta waxaase la sheegay inuu qeyb ka yahay dhiiri gelinta Ciidanka si duulaanka loo qaado Shabaab lagu xoreenayo.

Gudoomiyaha Sh/Hoose Ibraahim Najax oo hadda jooga Baraawe ayaa la filayaa inay R/W Xasan Kheyre la shiraan,ayna kala hadlaan Shabaab iyo sidii loo wajihi lahaa duulaanka lagu qaadayo.

Amniga Baraawe ayaa maanta aad loo adkeeyey iyadoo Ciidanka DF Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ay isku dhiririyeen Deegaanada ku dhaw Baraawe oo Diyaarad Helocopter ah geyn doonto R/wasaare Kheyre.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)