XOG: RW Rooble oo taageeray qorshe MD Farmaajo muddo damacsanaa

Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ayaa muddo labo sano ah doonayey inuu ku darsado haba la kulmee bilowgii muddo xilleedkiisa dhamaaday mucaarado xoogan.

Gil gilashada siyaasadeed ee la dareemay waxaa daaha gadaashiisa iyana taallay sida Farmaajo uga faa’iiday khilaafkii dhawaan soo baxay.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa arinta doorashada Soomaaliya ay sidaan dib ugu dhacday oo hay’adaha Dawlada sii shaqeyn doonaan sanad iyo bar dheeraad ah.

Lix bil hadda farmaajo ayaa ku darsaday iyadoo sharciyad doorasho uusan ku joogin mucaaradkana iyagoo ka qeylinaya ayaa wakhtiga la dheeraaday.

Rooble ayaa wajahaya culeysyo badan balse waxaa muuqata in Farmaajo uu khilaafka dhawaan soo baxay u arkay mid uu dan u yahay sii joogista xafiiska iyo sii shaqeynta hay’adaha kala duwan ee Dawlada Soomaaliya.

Marxalada kala guurka oo dalka uu ku jiro ayaa hadana waxaa taagan ismari waa umuuqda in la isla og yahay si doorashada iyo howsheeda sanad iyo bilo lagu sii joogo xafiiska.

Afar maalin ayaa uga harsan sanad buuxa uu R/wasaare Rooble xilka hayo,marka laga soo tiriyo 17-kii September 2020-kii markii loo magacaabay xilkaan,sanad kadib waxa uusan weli gaarin yoolkiisii doorashada hirgelinteeda inkastoo meelaha qaar doorashada ka bilaabatay.

Is xag xagashada siyaasada,doorka muuqda iyo xaglinta dhinacyada mucaaradka ee Rooble ugaarka noqday waa falaar aan ka hari doonin haduusan la imaan wax cad uu ku qancin karo cid walbo oo ka fikir duwan hadda la joogo.