XOG RASMI AH:- Sababta ay Musharraxiinta u dalbadeen in xilka laga qaado Taliyaha Booliska oo la ogaaday

Sababta ugu weyn ee  Musharraxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay u dalbadeen in Xilka Laga Qaado Maxamed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha Ciidamada Booliska ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashada Madaxweynaha ayaa ah in uu taageero u muujiay Musharrax Xasan Sheekh Maxamuud  kaddib xaflad dhawaan ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Xaamud ayaa Xasan sheekh si aan leex leexad la heyn uu ugu sheegay Xildhibaanada Labad Aqal ee Codadkooda uu ku tashanayo,iyadoo taliyaha Booliska uu Carabaabayo Xildhibaano soo noqday Taliyaal Boolis.

Taliyaasha Soo maray booliska Soomaaliya haddana ah Xildhibaanada Labada Aqal waxaa ka mid ah Xildhibaanada Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah xildhiban Aqalka Sare iyo Sidoo kale Shariif Shee’khunaa Maye oo isna ah Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweyanha Soomaaliya ayaa Hadalkaasi ka carooday kana muujiyey dareen Cabsi leh kuwaas oo ku baaqay in xilka laga qaado taliyaha Booliska oo aysan naftooda ku aamini karin Maadaama uu Musharrax taageersanyahay.

Dhawaan waxaa sidaan oo kale isku casilay Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Doorashada Madaxweyanah kaas oo isago Masuul ka tirsa Guddiga Doorashada soo bandhigay Dareenkiisa iyo Cida uu taageersan yahay xili uu ka qeyb galayay kulan xasan lagu taageerayay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)