XOG: Qoor qoor oo ka furtay garabkii Farmaajo & Siyaasadiisa Cusub

Iyadoo toos loo guda galay Arimaha Doorashada ayaa hadda waxaa soo baxaya warar sheegaya in kala jiidasho ay ku bilaabatay dhinacyada Xildoonka ah.

Murashaxiinta madaxweynaha waxaa ka xoog badin doona doorashada Xildhibaanada oo lacago badan gelinaya sidii ay guul uheli lahaayeen.

Golaha Shacabka Seddexda Kursi ee ugu dhaqaalaha badan doona waa Kan Mahad Salaad,C/raxmaan Odawaa iyo C/llaahi Maxamed Nuur kuwaas oo seddexduba ay heystaan ballan qaadyo xoog leh.

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa la sheegay inuu ka baxay saaxadii Nabad iyo Nolol.

Qoor qoor ayaa la sheegay inuu heshiis gaar ah la galay Murashax ka mid ah kuwa Mucaaradka inkastoo magaciisa aan la sheegin.

Xildhibaanada ka imaanaya Galmudug ayaa ka mid ah kuwa uu xisaabtamayo Madaxweyne Farmaajo si uu xukunka ugu soo laabto.

Qorshaha ugu weyn ee Villa Soomaaliya ayaa ah in Lafta gareen,Qoor qoor iyo Guudlaawe xildhibaano ugu bisleeyaan codadkooda lagu xisaabtamo hayeeshee Galmudug ayaa sallaankii Nabad iyo nolol kasii dhaceysa.

Sidoo kale kulankii Xasan Cali Kheyre iyo Cali Guudlaawe ku yeesheen Maalin ka hor Turkiga ayaa shaki kale abuuray markii Kheyre uu HirShabelle ka dalbaday xildhibaanada inuu ka taageero.

Dawlado ay Qatar ka mid tahay ayaa uxusul duubaya sidii ay ku soo celin laheyd Madaxweyne Farmaajo oo xiriir dhaw leeyihiin.

Hadii Farmaajo soo laabto waxay ka dhigan tahay in wax badan ay isbadeli doonaan oo siyaasad iyo saaxada caalamka la leeyahay Soomaaliya.