XOG: M/weyne Farmaajo oo Hal Arin U aadaya Dhawaan Garowe & Sir Laga Helay

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxa lagu wadaa in dhawaan socdaal ku gaaro Caasimada Puntland Ee Garowe.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo kusugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in wafdi uu hgaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay labo isbuuc kadib usocdaalayaan Garowe.

Qof diiday inan xigano magaciisa oo ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in Farmaajo uu Garowe kaga qeyb geli doono 1 Augusto Munaasabada Aas aaska Puntland oo loo dabaal degi doono.

Waxa uu qeyb ka dhigayaa Socdaalkaasi Madaxweyne Farmaajo ku tegayo Garowe Kormeer deegaanada Soomaalida uu ku kala bixinayey Waayihii dambe.

Cadaado,Baydhabo iyo Kismaayo ayuu tagey Madaxweyne Farmaajo iyadoo hadda Garowe kadibna uu gaari doono Magaalada Jowhar Ee Xarunta Maamulka HirShabelle.

Ujeedka uu utegayo deegaanada Maamul Gobolleedyada Dalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ah sidii ay wada shaqeyn dhaw ula yeelan lahaayeen Maamuladaasi Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)