XOG: Mid ka mid ah Beelaha ugu tunka Weyn Cabudwaaq oo u Hub uruursanaya MD Farmaajo kana horyimid booqashadiisa magaaladaasi

Magaalada Cabudwaaq waxay ka mid tahay magaalooyinka Gobolada dhexe uu booqanayo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo safar dhanka lugta ah ku maraya deegaano ka tirsan Puntland iyo Galmudug.

Beesha Celi oo ka mid ah Beelaha wax ka dega magaalada Cabudwaaq ayaa ka soo horjeestay tagitaanka madaxweyne Farmaajo ee magaaladaasi.

Waxaa la soo sheegayaa in Ciidamo fara badan oo ka tirsan Beesha Celi in magaalada Geeskeeda isku uruursanayaan kuwaasi oo ka careysan imaanshaha magaaladaasi ee madaxweyne Farmaajo iyo Wafdiga uu hogaaminayo.

Amaanka deegaanada iyo degmooyinka uu booqanayo madaxweyne farmaajo oo aad loo adkeeyay ayaa hadana shacabka waxay u hamuun qabaan aragtida madaxweynaha.

Madaxweynaha Farmaajo iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa safar dhanka lugta ah ku soo maray magaalooyinka Garowe,Qardho iyo Boosaaso ayaa hadana ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay