XOG: Maxaad ka ogtahay sababta C/wali Gaas & Xaaf isugu geeyay Gaalkacyo & Xog muhiim ah oo laga helay?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jira socdaalka Nabada ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,halkaasi oo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo shacab fara badan si weyn ugu soo dhoweeyeen.

Soo dhoweynta oo ahayd mid heer sare ah ayaa waxyaabaha sida gaarka ah dadka u hadal hayaan waxay tahay Labada madaxweynaha ee Xaaf iyo Gaas oo hareera socda madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa qeyb ka ah Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee gaaray magaalada Gaalkacyo,waxaana Arrintaan ay keentay in dad  badan su’aalo iska weydiiyaan.

Magaalada Gaalkacyo oo labo u qeybsan Waqooyi iyo Bari ayaa waxaa ka kala Aramiya labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo C/wali Gaas oo xurguf dhanka maamulka ah ka dhaxeysa balse intooda badan la xaliyay ayaa hadda la sheegayaa in madaxweyne Farmaajo uu dhameystirayo inta harsan.

Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana isku soo baxay dad weyne fara badan oo u jidbeysan soo dhoweynta madaxweynaha.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay