XOG: Markabkii Jaray Adeega Internet-ka oo Ka Baxsaday Gacanta Dawlada Soomaliya

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Markabkii jaray Bishii hore Dabayaaqadeedii Adeega Internet-ka Fiber Optica Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya uu ka baxsaday Gacanta Dawlada Soomaaliya.

Wasaarada Boostaha iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Xubno katirsan waxay hore usheegeen in gacanta lagu hayo Markabkaasi lalana Xisaabtami doono.

Markabkaan ayaa waxa la sheegay inuu muddo ku xanibnaa Dekada Magaalada Muqdisho balse hadda waxaa la sheegay inuu ka shiraacday.

Shabkada Baahin ayaa waxay ogaatay in Markabkaan oo laga leeyahay Waddanka Cumaan uu ku xirtay Dekad ku taalla Dalka Hindiya kana baxay gacanta Dawlada Soomaaliya.

Lama oga waxyaabaha keenay in la fasaxo Markabkaasi balse warar hoose ayaa sheegaya in Markabka Shirkada iska leh iyo Dawlada Soomaaliya ay macaamileen.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo dhawaan Saxaafada la hadlay waxa uu sheegay in Magdhaw ka doonayaan Sharcigana lagu qaadi doono Shirkadaha iska laheyd Markabkii Jaray Xargaha Adeega Fiber Optica Ee badda dhex yaalla.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)