XOG: Mareykanka oo Farmaajo cadaadis ku saaraya in uu ka baaqdo shir caalami ah

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa lagu waramayaa in uu cadaadis xoogan kaga imaanayo waddanka Mareykanka oo ku aadan in uu ka baaqdo shir ka dhacaya Mareykanka.

Kulankaas oo dhamaadka bishan October ka furmaya ayaa waxa uu ka qabsoomayaa dalweynaha Ruushka.

Sidda aan xogta ku helnay, Washington ayaa nan dooneyn in Farmaajo uu halkaas kasoo muuqdo, maadaama ay u arkeyso dib u dhac ku imaan kara saameynteeda siyaasadda Soomaaliya.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa waxaa ka dhacaya tartan dhinac walba ah oo ku aadan caalamka gaar ahaan Afrika.

Shirkaas oo madax kala duwan oo qaaradda hodanka ah ay kasoo muuqan doonan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo ku saabsan maalgeshi ay Moscow ku sameyso Afrika iyo iskaashi dhexmara.

Dowladda Ruushka ayaa waxay dooneysaa in ay dib boorka uga jafto siyaasadeeda Soomaaliya oo ay sanadihii u dambeeyay ka maqneyd, waxayna dhowaan soo magacaabatay safiir cusub.