XOG: Mahdi guuleed oo lacag badan ku bixinayo doorashada 28-ka Bishaan

19-kii iyo 21-kii Bishaan ayaa siyaabo kala duwan loo shaaciyey habraaca & Jadwalka doorashada kuraasta Aqalka sare Ee Gobollada Wuqooyi kasoo galaya dawlada Federaalka.

Waxaa maanta oo axad ah la qorsheeyey in la bilaabo tababarida ergada dooraneysa xildhibaanada ka mid noqonaya golaha senet-ka soomaaliya ee deegaan ahaan kasoo jeeda Soomaaliland.

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Gobollada Waqooyi ayaa qoraal ay soo sareen waxaa la amray Ergada inay si deg deg ah ugu soo xaroodaan teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho oo doorashada lagu qaban doono dhawaan.

Guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi ayaa shalay oo Sabti ah waxaa ay soo geba-gabeeyeen diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare,islamarkaana tababar siinta ergada ayaa la bilaabayaa maanta.

Isniinta berri ku beeganayaa waxaa la filayaa in musharixiinta Aqalka Sare ay jeediyaan khudbadahooda musharaxnimo.

Talaado,Arbaco iyo Khamiis ayaa jadwalka lagu sheegay isbuucaan in doorashada 11 Senetor ee gobollada Wuqooyi ka imaan doona ay tartanka doorashada geli doonaan,iyadoo Cabdi Xaashi uu yahay mid guushiisa sii ogaaday oo aan baratan geli doonin kursigiisana loo xiray balse ergada ayaa codka siin doona.

R/wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa doonaya in xubnaha uu wato kusoo saaro doorashada Aqalka sare ee dhawaan dhaceysa,isagoo lacag ku bixinaya guushaas inuu gaaro.