XOG: Madaxweyne Farmaajo Oo Saddex Arrin Ka Fogaanaya

Madaxweynaha la doortey ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka fogaanaya Saddex arrin, si aaney dowladiisa u noqon kuwii horey usoo jirey.

Farmaajo oo taageero badan ka heysta Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku dadaali doona in Saddexdan qodob marnaba aanu adeegsan muddo shaqadeedkiisa.

Waxaa kamid ah qodobada:

1- Been

Dowladihii dalka soo maray waxay adeegsan jireen been aad u xooggan, waxay ka been sheegi jireen wax aysan qaban sidoo kalena waxay balanqaadi jireen waxyaabo been ah oo aaney qabaneyn, sidaasi darteed Farmaajo taasi wuu ka leexan doonaa.

2-Ku Takri Fal Awoodeed

Mudane Farmaajo waxa uu dareensan yahay dhibaatadii ay reebtay dowladdii isaga ka horreysay ee awoodaheeda sida ay doonto dadka shacabka ah ugu adeegsaneysay, sidaasi darteed inuu awood adeegsado xisaabta uguma jirto.

3- Boobka Danta Guud

Madaxweynaha waxa kaliya uu hadda ka fekerayo waa inuu soo celiyaa hantidii dalka laga boobay, dowladdiisana waxay diyaar u tahay in iyana aysan Boob ku shaqeyn.

Farmaajo ayaa xukuumadda tayo laga sugayaa, waxaana laga doonayaa inuu isbedal buuxa oo dhab ah uu la yimaado mudanaha.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)