Xog:-Madaxweyne Farmaajo oo Kala Diraya Shaqaalaha Madaxtooyadda+Kulan Ka Dhacay+Sawirro

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa manta  kulan waqti qaatay kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Soomaliya Madaxweynihii Hore ee Dowladda Soomaliya Xasan Shiikh Maxamud.

Arinta layaabka leh ayaa ah in marka uu Madaxweyne Maxamed C/laahi farmaajo gaarayay Madaxtooyadda Soomaliya aan la xirin wax wad iyadoo ay isdaba socdeen gaadiidka isaga galbinayay iyo kuwa shacabka ah waxaa ilaalinayay Ciidamada gaashaan, waxaa sidoo kale meesha ka baxay hadalkii saakay soo baxay oo ahaa in Ciidamada Amisom ay ilaaliyaan Madaxweynaha.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa ka qeyb galay shaqaalaha ka howlga xarunta Madaxtooyadda Soomaliya waxaa Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu madaxweynaha Cusub kala baray shaqaalaha ka howlgal madaxtooyadda iyo howlaha ay qabtaan.

Waxyaabaha sidoo kale kulanka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Isbedelka, Xil wareejinta iyo arrimo kale oo ku saabsan dhismaha Dowlad kaafisa dhammaan shacbiga Soomaaliyeed ,Intaa kadib Madaxweyne Farmaajo ayaa indha indheeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha Villa Somalia iyo xafiisyada ay ka kooban tahay ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Madaxtooyada.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xiligana loogu fadhiyaa in uu soo magacaabo Raisulwasaaraha Tayo wanagasan, qodobada kulanka ayaa sidoo kale kamid ahaa talo la siiyay Madaxweynaha oo ku aadan qaabka magacabista.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)