XOG: Madaxtooyada Somalia oo heshay Lacago aad u badan & Shariif Xasan oo Hanjabaad soo diray

Xog gaara ayaa sheegeysa in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay heshay Dhaqaala badan oo Dowlada Qaniga ah ee Qatar ay kaga taageereyso Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

Madaxtooyada Soomaaliya oo codsigan hordhigtay afar bil ka hor Dowlada Qatar ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda lacago aad u badan la geeyo magaalada Baydhabo.

Villa Somalia ayaa balanqaadyo waa weyn u sameysay Xildhibaanada Koofur Galbeed, waxaana loo sheegay lacago aysan maleysan karin oo la mid ah tii ku baxday doorashadii guud ee dalka ka dhacday taasoo lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.

Dowlada Dhexe ayaa qorshooyinka ay wadato waxaa ka mid ah in labo Musharax ay awoodooda iskugu geeyaan si marka ay gabo gabo timaado labadooda la iskugu biiriyo, laakiin inta uu socdo Ololaha shaqsi kasta oo ka mid ah Labadaasi musharax si gaara ayuu heshiisyo ula galayaa Xildhibaanada.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Dowlada Federaalka hadal hanjabaad usoo diray ayaa ka sheegay Shirkii Garoowe ka dhacay in wax kasta oo Dowlada ay sameyso Madaxweynaha xiga ee Koofur Galbeed uu isaga yahay taasoo muujineysa kalsoonida uu isku qabo.

Dowlada Qatar ayaa dhaqaalo xoog leh la garab taagan Madaxtooyada Soomaaaliya , waxaana dhowr jeer ay fududeysay kiisas waa weyn oo lacago ku xirnaa, marka laga tago goodinta Shariif Xasan Dowlada Soomaaliya way muuqan doontaa awooda ay ku dhex yeelan doonto Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed waxayna balanqaaday sida Warar hoose lagu ogaaday in Xildhibaanada loo gacan galinayo Malaayiin Dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here