Home WARARKA XOG: Madaxda Sare ee DF oo ka shirsan sidii laga yeeli lahaa...

XOG: Madaxda Sare ee DF oo ka shirsan sidii laga yeeli lahaa Xiisada Imaaraadka…

141
0

Madaxda Qaranka ayaa kulan ka leh sida ay ka yeelayaan go’aanka ay Imaaraadka Carabta ka qaadatay Xiriirka Soomaaliya iyo waliba kaalmadii ay siin jirtay Dowladda.

Maaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/wali Ibraahim Muudeey ayaa shir ku leh madaxtooyada Soomaaliya iyagoo ka arinsanaya sida ay ka yeelayaan Imaaraadka Carabta iyo go’aanka lama filaanka ah ay Soomaaliya ka qaadatay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii xumaanayay ka dib go’aan dhawaan ay soo saareen Labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World oo Heshiis la gashay Maamulka Somaliland.

Imaraadka Carabta ayaa ka baxay Xerooyin dhowr ah oo ay ku tababarayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland,waxayna hakisay dhamaan caawinaadii ay siin jirtay Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka shaqeyneyso sidii loo xalin lahaa mad madowga soo kala dhex galay Labada Dowladdood,islamarkaana la adkeynayo xiriirka Labada dalka.

Shacabka Soomaaliya ayaa si aad ah u hadal haya Arrintaan,waxayna u kala jabeen labo garab kuwo taageersan Imaaraadka carabta iyo kuwo ka soo horjeedo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ka hadlay xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa sheegay inuu ahaa mid soo jireen ah oo aan hadda bilaaban loona baahan yahay in la adkeeyo.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here