XOG: Loolanka Doorashada Galmudug Oo Ay Isugu Hareen Musharaxiinta UAE & Villa Somalia

Qaar ka mid ah dadka sida aadka ah ula socda dorashada Galmudug ayaa sheegaya in hadda loolanka doorashada ee Galmudug uu u dhaxeeyo musharaxiin uu gadaal ka riixayo Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegeysa in lacag laga keenay Imaaraadka Carabta ay qeyb ka tahay ololaha loogu jiro in doorashada Galmudug uu ku soo baxo madaxweyne mucaaradsan Villa Soomaaliya taageersana Imaaraadka Carabta.

Sida wararka ay sheegayaan qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ayaa taageero dhaqaalo ka helaya Imaaraadka Carabta si ay ugu soo baxaan doorashada ay garwadeynka ka tahay Dowladda Federaalka.

Kamaal Guutaale oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ee doorashada Galmudug ayaa la rumeysan yahay inuu qeyb ka yahay musharaxiinta ay wadato Imaaraadka Carabta la doonayo in dhaqaalo iyo xeeladba loogu soo bixiyo doorashada Galmudug.

Dadka siyaasadda la socda ayaa sheegaya in dhanka kale Dowladda Federaalka ay dhaqaalo badan ku bixineysa doorashada Galmudug si uu ugu soo baxo madaxweyne taageersan Villa Soomaaliya.