XOG LA FILEYN Dhageyso: Wasiiro Ka Mid ah Xukuumada Oo Shaqooyinkoodii Al Shabaab Ay Maamulaan

Waxaa Hubanti ah in Dawlada Soomaaliya ay weli noqon sidii laga filayey Ballamihii ay gashay markii Ololaha Doorashada lagu jiray.

Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu dedaal badan bixiyey hadana sida xaalku yahay weli Kooxaha Dawlada Dagaalka kula jira Awood ayey leeyihiin.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA XOGTA

Xukuumada Xasan Cali Kheyre hogaamiyo ayaa waxay la daalaa dhaceysaa kuna mashquushay wax ka qabashada Gudaha Dalka oo aanay wax muuqda qabanin.

Wasiirka Cadaalada Dalka,Wasiirka Ganacsiga,Kan Maaliyada oo Canshuurta iyo Arimaheeda la socon lahaa intooduba seddex Meelood meel ayey Shaqada ay ku magacaaban yihiin qabtaan.

Baahin.com ayaa ogaatay in Garsoor ahaan Dawlada ay tahay mid Jilicsan oo Shabaabka ayaa maamula,Ganacsatada waxay Zakada udiraan dhinaca Shabaab,waxaa jira lacago Bile ah oo laga qaado Tujaarta Jeeb weynta ah oo ka madax banaan zakada oo ay Shabaabku baad ahaan uga qaataan iyagoo naftooda la cabsanaya in la beegsado oo ganacsigooda laga cuuryaamiyo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay