XOG KU SAABSAN:- Falanqeynta doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Doorashada Madaxtinimo: Xilka madaxtinimada Soomaaliya 4ta sano ee soosocota waxa isu diiwaangeliyey 24, musharax oo rag ah, taas oo meesha ka saartay hadal-hayntii dumarka u hanqal-taagaya in ay isu sharraxaan madaxtinimada Soomalaiyada cusub, waxa lagayaabaa in sababtu tahay dhanka dhaqaalaha iyo fursadda hoggaamineed ee dumarka oo dhanqanka iyo diintuba xadeynayaan.

Haddaba maxaaan ka naqaan shaqsiyadda musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya oo dhab ahaantii u baahan dhaqan iyo waxqabad ka duwan kana tayo fiican sanad-madaxeedkii dhammaaday?

Madaxweyne caynkee ah ayaan u baahanahay?

Tilmaanta madaxweynaha ay maanta ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay, waxa suurtagal ah in aanay u muuqan sida ay u muuqdaan hal-beegyada aan wax ku qiyaasno ee qabiilka iyo kooxnimada.

Marka shaqaale la qaadanayo waxyaabaha ugu horreeya ee aga fiiriyo in uu leeyahay waxa kamid ah:

  • Aamin ah, oo aan xadin xoolo loo dhiibay
  • Karti maskaxeed iyo mid  jireed; si uu shaqada u wada geliyo awooddiisa maskaxeed iyo tan jirkaba.

Hayeeshee marka ay timaad ka jawaabidda baahida maamul wanaag iyo hufnaan waxa jira tilmaan kale oo ay  adag tahya in la helo siyaasi leh, waxa kamid ah

  1. Qof haystay dhaqaale ku filan ka hor inta uusan xil ummadeed qaban
  2. Aan macaash iyo nolol u soo raadin siyaasadda
  3. Leh halbeeg ka duwan ka aan wada naqaan ee qabiilka iyo kooxda
  4. Aamin ah; oo aan si muuqata iyo si qarsoonba wax u tuugeysan.

Musharixiinta isdiiwaangeliyey tilmaamahan waxa lagayaabaa in midba wax uun ka leeyahay, balse inta ay tilmaamuhu kala maqan yihiin waa hangoolkii garkiisa iyo ganihiisu geedaha ku kala yaalleen.

Qoraalkani waxa uu ku saabsan yahay 7; musharax oo kala ah

  1. Xasan Sheekh Maxamuud
  2. Maxamed C/laahi Farmaajo
  3. Crashiid Cali Sharma’arke
  4. Shariif Sheekh Axmed
  5. Craxmaan Cshakuur
  6. Jabriil Ibraahim Cabdulle
  7. Cabdulqaadir Cosoble Cali

Waxa ay u kala horreeyaan sida ay qoraalkan ugu kala horreeyaan

  • Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee u taagan in uu mar kale qaato xilli-madaxeed laab; waa 62-jir, markiisii hore ahaa bare jaamacadeed iyo qof u ololeeya arrimaha bulshada, qorshihiisa kuma jirin in uu isu sharraxo in uu madaxweyne ka billaabo siyaasadda,  xisaabta iyo ku talagalka qoyskiisa,  kama mid ahayn, balse dhiirrigelinta rag kale oo ay jaal ahaayeen ayaa rumeeyey in uu madaxweyne noqdo 2012.

Isaga oo la anfariirsan in uu noqday madaxweyne ayuu sheegay in uusan dooneyn in uu soo noqdo, oo uu mar labaad is sharraxo, sababta ayuu ku sheegay in aanay ka mid ahayn caadada siyaasadda Soomaaliya in qof mar noqday madaxweyne uu mar kale soo noqdo.

Hanti iyo xoolo dhaafsiisan nolosha reerihiisa ma lahayn ka hor intii uusan qaban xilka madaxweynaha.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)