XOG: Khilaafkii Farmaajo & C/weli Muudeey Oo Xal Laga Gaaray

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Soomaaliya C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Muudeey oo la sheegay in Khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay isaga iyo Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in hadda xal laga gaaray.

Safar Dibada ah uu ku maqnaa ayaa markii uu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxa soo dhaweeyey Wasiiro iyo Xildhibaano Katirsan Dawlada Federaalka.

Waxa uu ka mahad celiyey qaabka loo maamuusay Soo dhaweyntana loogu sameeyey isagoo sheegay in howlaha hor yaalla sidii uu ugudan lahaa dib ugu soo guryo noqday Caasimada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu ka dalbaday Muudeey inuu howsha Dib udoorashadiisa kala qeyb qaato xilli ismari waagii ka dhex jiray Biyo qaboow lagu shubay Xalna laga gaaray.