XOG: Khayre oo shir degdeg ah isugu yeeray Golahiisa Wasiiradda [Sababta]

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa waxa uu kulan degdeg ah isugu yeeray Golahiisa Wasiiradda, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo aad loogu kalsoon yahay, oo xukuumadda ka tirsan.

Ujeedada ka dambeysay shirkan degdeg ah ayaa waxaa lagu sheegayaa si looga arrinsado xaaladda dalka gaar ahaan arrinta Jubbaland iyo diyaaradii Kenya ee jebisay xayiraada socdaalka Kismaayo.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Laanta Fulinta ay go’aan kasoo saari doonto arrintaas, kaasoo noqon doono mid aad culus, wallow la sheegayo in wada hadalo laga geli doono qaabka loo fulinayo.

Villa Soomaaliya ayaa waxaa xayiraadda u saartay caasimadda ku meel gaarka Jubbaland si ay u baajiso caleema saarka Axmed Madoobe, taasoo la filayo in ay dhowaan qabsoonto wallow shaki ay ku jirto.

Diyaaradda tagtay Kismaayo ayaa waxaa la socday siyaasiyiin ay ku jiraan madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed, talaabadaas oo aad uga careysiisay madaxda dalka.