XOG: Kadib Guushii Farmaajo, Jeneraal Gabre oo helay meel uu kaga baxsado magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa loo doortay Maxamed Cabdullahi Farmaajo kadib doorasho taariikhi aheyd oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dowlada Itoobiya ayaa fara gelin weyn ku laheyd doorashadan, hase ahaatee ugu danbeyn waxaa ay ku guul dareysteen in musharaxii ay wateen uu ku guul dareystay doorashadaas.

Waxaa doorashadii ka socotay Muqdisho ku sugnaa sargaalka Jeneraal Gabre oo ah wakiil ay dowlada Itoobiya usoo dirtay Soomaaliya.

Wararka ay xili hore saxaafada baahisay ayaa sheegayay in Gabre uu haatan ka bixi doono gudaha Soomaaliya, hase ahaatee warar kuwaas ka duwan ayaa caawa ina soo gaaraya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ilo Wareedyo kamid ah barlamaanka Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay in Gabre uu sii joogi doono Soomaaliya, laakiin uu badali doono shaqadii uu ka hayay madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Genaral Gabre uu ka badalan doono magaalada Muqdisho isago tagi doona midkood magaalada Baydhabo ama magaalada Kismaayo.

Sababta uu labadaas magaalo utagayo ayaa ah in ciidamo dalkiisa Itoobiya ka socda ay ku sugan yihiin magaalooyinkaas uuna kor kala socon doono xaalada ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo siyaasada kale ee ay dowladiisu ka leedahay Soomaaliya.

Si kastaba, lama oga hadii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ogolaan doono in wali Genaraal Gabre uu galaan gal kusii lahaado gudaha Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)