XOG: Jawi Siyaasadeed Oo Ka Jowhar Ka Socda & Golaha Wasiirada HirShabelle Oo Lasoo Magacaabayo

Magaalada Jowhar Ee Gobolka Shabellaha Dhexe Ahna Caasimada Maamulka HirShabelle ayaa waxaa ka socda Qaban qaabadii ugu dambeysay Ee Lagu soo magacaabayo golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Golaha Wasiirada ayaa waxaa la doonayaa in bil gudaheed la magacaabo maadaama labo bil oo lasiiyey Maxamed Cabdi Waare ay bil ka mid ah dhamaatay.

Ilo muhiim ah ayaa inoo sheegay in Wasiirada la magacaabayo ay kasoo muuqan doonaan Siyaasiyiin Caan ah,waxaana ka mid ah kuwo hadda xilal sii haye ka ah Wasaaradaha HirShabelle oo Dawladii Cali Cosoble lasoo magacaabay.

Waxa laga yaabo in isbadelka uu ku yimaado waxaa ka mid ah Wasaaradaha Amniga,Arimaha gudaha iyo Beeraha oo shakhsiyaad Cusub ay kasoo muuqan doonaan.

Jowhar waxaa 24-kii Saac ee lasoo dhaafay laga dareemayey Qul qulka Siyaasiyiinta Xildoonka ah iyadoo Afar jeeblayaashu xilligaan oo kale ay ka faa’iideystaan oo lacago iyo Can buuxis maadaama Kulamo Qado,Casho ama Quraac loo qabto Odayaasha Dhaqanka si looga qal qaalsado xilalka ay doonayaan.

Wasiirka Warfaafinta oo saaxiib dhaw lahaa Cali Cosoble ayaa sidoo kale ka mid ah Wasaaradaha isbadelka ku imaan doona,iyadoo Agaasimayaasha Wasaaradaha Qaar iyaguna ay la kulmi doonaan xilalka ay hayaan in laga qaado oo qaarkood la isku badelo.

Xafiiska Madaxweynaha HirShabelle warar aan ka helnay ayaa sheegaya in Maxamed Cabdi Waare oo la kaashanaya Kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe ay ku mashquulsan yihiin soo magacaabida Golaha Wasiirada oo tiro ahaan lagu sheegay 40 ama 54 Wasiir inay noqon doonaan iyo Wasiir Kuxigeeno,iyo Wasiiru dowlayaal.

HirShabelle ayaa ah Maamul Gobolleedkii ugu dambeeyey Ee Dalka Soomaaliya ka hanaqaaday iyadoo Sanad gudaheed Madaxweyne la doortay hadana la riday oo xilka laga qaaday Maamulkaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)